Taliska Booliska oo meel ku sheegay gabar la weysanaa laba bilood

0

 

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay hayaan oo soo heleen raadin dheer kadib gabadhii la raadineyay ee Amaal Nuur Cusmaan.

Gabadhaan ayaa la weysanaa sida ay sheegtay hooyadeed Amran Maxamed (Amran Xalane) mudo labo bilood ah, waxayna mar ay warbaahinta la hadashay ku eedeysay inay ku jirto gacanta ciidanka ilaalada madatooyada Soomaaliya, taas oo maanta iyo horayba uu si weyn u beeniyey taliska booliiska Soomaliya.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in Amaal lagu soo helay baadi goob dheer oo ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliya, haatana ay dib ugu celi doonaan qoyskeedii ay mudada labada bilood ah ka maqneyd.

Gabadhaan iyo gabdha kale oo iyaga horay loo helay ayaa ka baxsaday xarun ay wax ka baranayeen oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.