Maxuu Kheyre kala hadlay madaxa shirkadda dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye?

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii Al-Shabaab uu geysteen howl-wadeenadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Seracettin Aksun oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dhiiragalinta  garab istaagiisa ayaa caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiira gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha wadada, isla markaana saameyn aysan ku yeelan doonin weerarada uga imaanaya Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale waxa uu ku dhiiri geliyay inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan u daacad ahaanshaha dib u dhiska dalka,  muujiyaana in weerarada uga imaanaya Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo naf la’caarinimo ah aysan ka hor istaagi karin hadafkooda.

Unnamed 67 1024x576
Unnamed 67 1024×576
Unnamed 68 1024x777
Unnamed 68 1024×777
Unnamed 69 1024x751
Unnamed 69 1024×751

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.