Khayre oo booqday Injineeradii ku dhaawacmay qaraxii duleedka Muqdisho, Sawirro

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay booqasho ku tegay isbitaalka Erdogan, Ex Digfer oo la dhigay Injineeradii Turkiga ee ku dhaawacmay weerarkii waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ku aadan xaaladda caafimaad ee Injineerada ka dhageystay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay garab istaagi doonto muwaadiniintaasi Turkida ah ee ay waxyeelada soo gaartay, iyaga oo adeegaya walaalahooda Soomaaliyeed, kana shaqeynaya horumarka dalka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ilaabi doonin garab istaaga ay mar weliba ula heelan tahay dowladda Turkiga.

Kheyre  ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto daaweynta dadkaasi ku waxyeeloobey qarixii Sabtidii la soo dhaafey lagu weeraray Injineerada iyo shaqaalaha Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Bar Koontorool oo ku taalla Afgooye.

Tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 2011-kii dowladda Turkiga ayaa taageero kala duwan u fidinaysay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxayna mashariic badan ka fuliya gudaha dalka.

Dowladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhawaan sheegtay in aysan weerarada Al-Shabaab hakin doonin howlaha dib u dhiska ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ka dhanka ah dhismaha ka socda wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, taas oo ay dhismaheeda gacanta ku heyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana gabi ahaanba maanta hakad la galiyey isku socodka gaadiidka dad weynaha ee is ticmaala wadadaas.

2 1
2 1
3 2
3 2
4
4
Bukaan Kheyre
Bukaan Kheyre

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.