Is bedel weyn oo lagu sameeyey sugidda amniga M/Garowe

0

Maamulka gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in amniga magaalada caasimadda ah ee Garowe si ku meel gaar ah looga wareejiyay ciidanka Booliiska, isla markaan lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PMPF, PSF Puntland iyo ciidanka madaxtooyada maamulkaas.

Guddiga Nabad-gelyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska gobolka Nugaal ay ku socoto dib u habayn, waxaana ay go’aamiyeen in Booliiska si ku meel gaar ah looga wareejiyo amniga caasimadda mudada ay dib u habayntaasi socoto.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aamiyay in kantaroollada Garowe si deg deg ah loogu raro goobaha loo asteeyay, Booliiskii joogay kantaroolladana lagu beddelo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda PSF, PMPF iyo ciidanka madaxtooyada Puntland.

Waxa kale oo guddigu amray, in lala dagaallamo dadka amni darrada ka wada gudaha magaalada, gaar ahanna kuwa soo geliyaya maan dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka iyo sidoo kale dadka soo geliya hubka sharci  darrada ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.