Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyey sharci cusub

0

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 31aad ee kalfadhiga 6aad.

Guddomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cismaan Faarax ayaa golaha ka hor akhriyey warbixinta akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa hor tegay wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya Jamaaal Maxamed Cismaan iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.

Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ayaa mariyay akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana ogolaaday 31 Senator, waxaana fadhiga golaha soo xaadirtay 32 Senator.

Ugu dambeyntii waxaa fadhiga soo xiray guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.