Duqeyn ka dhacday J/Hoose ‘oo lagu dilay’ xubno Shabaab ah

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn shalay ka dhacaday gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degaanka Bangeeni oo hoos taga degmada  Jamaame ee gobolkaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in duqayntaas lagu dilay seddax xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Bartilmaameedka duqeyntaas ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa xubnaha Shabaab ah ee la dilay, sidoo kale dad waxaa lagu sheegay war bixinta inaysan duqeyntaas wax ku noqon dad rayid ah.

Warka waxaa lagu in fulinta duqeyntaas ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka.

Waa duqayntii seddaxaad ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanku ay ka fuliyaan  Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkan 2020-ka.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.