Akhriso: Liiska xildhibaanada Galmudug ee garabka Xaaf oo caawa la shaaciyey

0

Guddiga doorashada Galmudug ee uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanada liiskooda la shaaciyey ee garabka madaxweyne Xaaf ayaa gaaraya 68 xildhibaan, kuwaas oo qoraalka lagu sheegay inay soo xuleen odayaasha rasmig ah ee saxiixayaasha beelaha Galmudug .

Warqadda lagu shaaciyey liiska xildhibaanada cusub ee garabka madaxweyne Xaaf ayaa lagu cadeeyey magacyada xildhibaanada iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Liiskan cusub ayaa goor dhaw looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo uu ku suganyahay madaxweynaha waqti xileedkiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waxaana xusid mudan in magaalada Dhuusamareeb uu ka socdo dhismaha maamul ay howlgaleen baarlamaankiisu, kaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda dhexe, balse Xaaf ayaa aad u qaadacdan howlaha ka socda Dhuusamareeb.

Halkan hoose ka akhriso liiska baarlamaanka Xaaf

C17e8042 4e91 4a6d B411 0c50b90f46a3
C17e8042 4e91 4a6d B411 0c50b90f46a3
2f746131 Bc93 4116 8409 7f851c03cc1d
2f746131 Bc93 4116 8409 7f851c03cc1d

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.