Villa Somalia oo jawaab ka bixisay cabashadii ka soo yeertay hooyo Amran Maxamed Cismaan

0

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashada hooyo Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in gabar ay dhashay oo 16 jir ah ay haystaan ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Agaasimada warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan cabashada hooyo Amran.

“Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.” Ayuu yiri Cabdinuur.

Waxa uu sheegay in sida wax u jiraan iyo sida wax loo tebinayo “ay kala fog yihiin,” sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.”

“Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.” Ayuu yiri.

Amran Maxamed Cismaan oo ah Hooyo Soomaaliyeed kuna nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mudo ku siman labo bilood ay ka maqantahay gabar yar oo ay dhashay.

Amran iyo hooyadeed oo ah ayeeyada gabadha maqan ayaa TV-ga Dalsan u sheegay in gabadhoodii ay ku tuhmayaan xubno ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Hooyo Amran waxa ay sheegtay in gabadheeda dhawaan laga keenay dalka dibaddisa, isla markaana iyadoo dugsi ka dhiganeysa magaalada ay wadeen gabdho kale, kuwaas oo ay sheegtay inay u geeyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in labo nin oo mid sarkaal yahay kana tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay u soo direen fariimo ay uga dalbanayaan lacag madax furasho ah si loogu sii daayo gabadhooda.

Amran oo ah hooyada dhashay gabadha la weysanyahay ayaa sheegtay inay lacagtaas oo gaareysay 2,000 oo dollar ay ogolaayeen in ay dhiibaan, balse markii dambe ragaasi ay u sheegeen inaysan meel ku ogeyn gabadheeda.

CID-da oo ah halkii ay cadaaladda u raadsatay ayey sheegtay inay iska daba wareejinaysay mudo labo bilood ah, iyadoo laga sii daayey gabdhihii ay ku tuhmaysay inay ka fogeeyeen gabadheeda oo ay sheegtay in lagu haayey fariimo cadeynaya inay lasoo hadashay gabadheedii oo oraneysa, “Heblaayoy ninkii aad ii geysay waxa uu isku dayaa inuu is kufsado” oo ku qoran af-Ingiriisi sida ay sheegtay hooyo Amran, maadaama aysan gabadheedu aad u aqoon af-Soomaali.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.