Khasaare ka dhashay Bam gacmeed lagu weeraray guri ay deganaayeen dad shacab ah

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaare ka dhashay Bam gacmeed xalay lagu weeraray guri dad shacab ah ay leeyihiin  oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Guriga la weeraray ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen dad u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo habeen kasta sida la sheegay halkaas ku wada cawey jiray.

Illaa 10 qof oo shacab ah ayaa waxaa la sheegay inay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen Bam gacmeedka lagu weeraray gurigaas.

Kooxdii geysatay weerarkaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana durba garay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano socday ilaa saakay ka waday agagaarka xaafadii uu shilkaasi ka dhacay, welina lama sheegin cid loo soo qabtay ku luglahaanshaha falkaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.