Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay sameyso dib u heshiisiin sax ah, inta xaaladda dalku aysan sidaan ka sii xumaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, sababtuna ay tahay hoggaanka dowladda dhexe uu doonayo inuu awoodda dalka is maquunis kula wareego.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hanaanka dalku qaatay burburkii kadib uu yahay federaal, haatana dowladda dhexe ay doonayso in ay meesha ka saarto, iyadoo wadin nidaam kale oo looga guuro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku goodiyey in Puntland iyo Jubbaland ay awoodaan inay dhistaan dowlad dhexe hadii xal laga gaari waayo khilaafka ragaadiyey wada shaqeynta dowladda federaalka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku wada sugan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu wadaa inay maanta soo saaraan war-saxaafadeed wadajir ah, oo ay uga hadlayaan qowqifkooda siyaasadeed ee xaaladaha dalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.