Taliska Militeriga Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaal culus oo ka dhacay Sh/Dhexe

0

War-saxaafadeed ka soobaxay Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in 15 dagaalame oo Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Xaaji Cali ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in 26 kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay dagaalkaas oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Cali.

Ciidamada ayaa sheegay in xalay abaare 2:00am ay ka hor-tageen dagaal Al-Shabaab u qorsheeyeen ciidanka kadib markii warbixin laga helay qorshahooda, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Taliska.

“Cadawga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Taliska ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka Militeriga Soomaaliya ayaa qirtay in dagaalkaas ay uga geeriyoodeen afar qof oo kala ahaa, hal sarkaal, hal sarkaal xigeen, iyo labo askari, sidoo kale waxay sheegeen in seddax askari oo kale ay uga dhaawacantay.

Dhankooda Al-Shabaab ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dagaalkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.