Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo loolanka loogu jiro xilka guddoonka baarlamaanka Galmudug

0

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada Cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka baarlamaanka Galmudug oo gaaraya todoba xubnood ayaa shalay isdiiwaangeliyey, iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda.

Seddax musharax oo ka mid ah todobada musharax ee is daanwaan geliyey ayaa u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, waxayna kala yihiin:

1.Maxamed Nuur Gacal.

2.Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan

3.Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale musharixiinta guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xilkaasi u taagan  ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad afar musharax.

Maalinta Jimcaha ah ee berrito ayaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada Guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada iyo guud ahaan magaalada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo la soxda dhaq-dhaqaqa guud ee bulshada magaalada.

Tartanka xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo cidda ku guuleysata ayaa laga ogaan doonaa cidda leh awoodda ugu badan baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayaan xisbiyada mucaarad, madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiin madax banaan oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.