Galka Baarista oo shaaciyey xogta qaraxii Ex-Control iyo sida loo fuliyey (Daawo)

0

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa shaaca ka qaaday goobta lagu soo farsameeyey, halka lasoo marsiiyey, inta maalmood ee la qorsheynayey iyo xogta ay dowladdu ka heysay qaraxii dadka badan lagu laayey ee 28-kii bishii December ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Barnaamijku waxa uu shaaca ka qaaday in qaraxaas ay xogtiisa horay u heysay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, weliba in Al-Shabaab ay qarax ka bedelan miinadii lageli jiray wadada dhinaceeda ay u qorsheeyeen shaqaalaha Turkiga ee ku howlan dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Barnaamijku waxa uu xaqiijinayaa isagoo soo xiganaya Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mahmed Yilmas, in xogta qaraxaas laga war helay in lala damacsanyahay shaqaalaha Turkiga ka jooga dalka, gaar ahaan ku dhisaya wadadaas aysan NISA la wadaagin Safaarada ama shirkadda gacanta ku heysay dhismaha wadada.

Galka Baaristu waxa uu soo bandhigay in gaari qarxay oo ahaa mid xamuul ah lagu soo diyaariyey deegaanka Buula-fulaay oo dhaca xuduuda gobolada Shabeellada Hoose iyo Bay.

Maalintii Sabtida ee uu dhacay qaraxaas iyo maalinka lagu soo rakibay deegaanka Buula-fulaay, waxaa u dhaxeysay lix maalmood, waxuuna xog ka helay Barnaamijkan halka uu soo maray gaariga qarxay.

Baabuurkaas markii uu ka soo dhaqaaqay Buula-fulaay waxa uu soo maray Tooratoorow iyo Jannaale, waxuuna wadada weyn ee laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Shabeellada Hoose uga soo dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Wanllaweyn iyo Afgooye.

Gaarigaasi waxa uu ka soo gudbay Buundada Afgooye oo ah meesha ugu horeysa ee baaritaanka ay ku soo maraan gaadiidka ka yimaada Shabeellada Hoose, waxuuna baahiyey Barnaajimku in laamaha sirdoonku ay su’aalo ka weydiiyeen askartii ku sugneyd Buundadaas sida uu ku soo dhaafay gaarigaas, balse waxaa soo baxday in askartaasi aysan heysan qalab ay ku baaraan gaadiidka xamuulka ah.

Ila sirdoon oo uu soo xiganayo Barnaamijkan waxay u sheegeen in saacado ka hor inta uusan qaraxu dhicin gaarigan uu ku sugnaa duleedka magaalada Muqdisho.

Daqiiqado uun ka hor 8:00am subaxnimo maalinkii Sebtida ruuxa nafti haliga ah oo si is-daba joog ah u helayey xogta gaari HILUX ah oo ay la socdeen labo Injineer oo Turkish ah ayuu abaaray isaga oo xowli u socda xilli uu gaarigaas uu yari marayey isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho.

Goobtu waxay aheyd xilligaas mid mashquul badan, gaariga la beegsanayey waxa uu ka baxay Muqdisho, waxuuna ku sii jeeday duleedka koonfureed ee Muqdisho, oo dhismaha wadadu ay ka socotey, gaariga qarxay oo ahaa mid xamuul ahna, waxa uu isgoyska ka soo galay dhankii uu u socday gaarigii la beegsanayey oo ah wadada koonfur uga baxda magaalada ee aada gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaas waxaa ku dhimatay 81 ruux oo badankood ahaa dad shacab ah, waxaana ku dhaawacantay in ka badan 140 qof, dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Injineeradii la beegsanayey oo ka soo jeeday dalka Turkiga, kuwaas oo ahaa labo nin iyo ilaaladoodii.

Labo maalin kadib mas’uuliyadda qaraxaas waxaa dusha u ritay ururka Al-Shabaab, waxayna markii ugu horeysey taariikhda qireen in dad shacabka ay halkaas ku laayeen.

Halkan ka Daawo Barnaamijka oo dhan

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.