Ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanka Tooratoorow

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta degaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadan qabsaday degaanka Tooratoorow ayaa sida la sheegay ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab oo ay tababartay dowladda Mareykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey wadada xariirisa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo uu ka dhacay khasaare badani uu ka dhashay.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kalena, Al-Shabaab waxay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose saakay ku toogteen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen dawladda federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.