Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo doortay Guddoomiye KMG ah

0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta yeeshay kulankoodii u horeeyay ayaa doortay Guddoomiye Kumeel gaar ah, si uu u socodsiiyo howsha ugu horeeyay ee dhismaha Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa noqday ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada, waxaana loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Mr Keynaan ayaa xilka sii heyn doona inta laga dooranayo Guddoomiyaha rasmiga ah iyo labadiisa kuxigeen eee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha KMG ayaa dhowaan lagu wadaa inuu magacaabo Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la filayo in maalmaha soo socda la qabto.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana is sharaxay illaa labo Musharax oo uu ku jiro Dr. Maxamed Nuur Gacal oo horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.