Warqad: DF oo booliska Malaysia u adeegsatay inay baajiso munaasabadda CC Shakuur

0

Warqad maanta ka soo baxday booliska magaalada Kualalumpur ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in aysan dalkaas ka dhici karin munaasabad soo dhaweyn loogu sameynayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Amarka ka soo baxay booliska ayaa sida la sheegay yimid kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu taliska booliska ka dalbaday in la joojiyo munaasabadda lagu soo dhaweynayo siyaasiga oo ay qaban qaabadeeda ku jireen inta badan ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia.

Xogta aan helnay waxay sheegeysa in safiirku booliska uu ku qanciyey inay jiraan dad badan oo u careysan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu sheegay in khudbad uu hadda ka hor ka jeediyey dalka Jarmalka ay ka dhalatay caro badan, isla markaana ay macquul tahay in dhib ka dhaco goobta.

Dhinaca kale munaasadda soo dhaweynta ah ee Cabdiraxmaan ayaa qabsoontay waxuuna ka jeediyey khudbad uu dhaliilo ugu soo jeediyey madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan xiriirro la sameynay ayaa noo xaqiijiyey in munaasabaddas ay ugu qabsoontay sidii loogu tala galay, isla markaana wax faahfaahina uusan ka helin warka booliska, balse uu maqlay oo kaliya.

Sidoo kale xubno ka tirsan dhalinyaradii ku jirtay qaban qaabada xafladda soo dhaweynta ah ee loo sameynayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xafladdu ay ugu qabsoontay sidii ay ugu tala galeen, balse ay arkeen warqadda booliska, wallow aysan xaqiiji karin sax ahaansheheeda.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waayihii dambe waxa uu dalka dibadiisa ka waday socdaal uu ku maray wadamo dhowr ah, kuwaas oo uu kula kulmay dadka Soomaaliyeed ee ku nool.

Halkan ka akhriso warqadda

61eccb61 3e0b 4d62 9adb 66ba36490c6f
61eccb61 3e0b 4d62 9adb 66ba36490c6f

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.