Waqtiga la tooganayo raggii dilay Caa’isha Ilyaas oo la shaaciyey

0

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay wakhtiga xukunkii ku dhacay lagu fulinayo seddax nin oo loo heysto dilkii iyo kufsigii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliyaha guud Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa sheegay in seddaxda xukunsane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020, saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Raggan oo kala ah, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayey maxkamadaha Puntland ku heleen inay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019-kii waqooyiga magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, xukunkaas oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019-kii si rasmi ah u ayidday xukunka dilka ah ee lagu riday seddaxda xukunsane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019-kii.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.