Madaxtooyada Puntland oo war ka soo saartay kulan dhex maray Dani iyo Yamamoto
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xarunta madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wefdi uu hoggaaminayo.
“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo looga warbixiyay kulanka.
Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay, in madaxweynaha iyo safiirku, ay kulankooda uga wada-hadleen, arrimo ay kamid yihiin xiriirka Puntland&Maraykanka, la’dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya dhaqaalaha iyo deyn cafinta.
“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.





