Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo maray habkii ugu horeeyey oo ay ku howlgeli lahaayeen

0

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug waxaa maanta lagu dhaariyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasoo lagu qabtay munaasabadda dhaarinta.

Goobta ay ka dhacday dhaarinta Xildhibaanada waxaa joogay xubno ka socda dowladda iyo mas’uuliyiinta guddiga farsamo ee dhismaha Galmudug, iyadoo kahor inta aan laguda gelin dhaarinta goobta lagu soo bandhigay sida ay ku timid soo xulista xubnahan.

Xildhibaanadan waxaa laga sugayaa iney iska dhex doortaan Gudoomiye cusub oo noqon doona ruuxa ugu da’da weyn, kaasoo soo magacaabi doona guddigii diyaarin lahaa doorashada Gudoonka cusub ee uu yeelanayo Baarlamaanka 2-aad ee maamulkan Galmudug.

Mudanayaashan cusub oo dood ay ka taagan tahay dhabaha loo maray soo xulistooda ayaa Kitaabka Alle ugu dhaartay iney si daacad ah ugu shaqeyn doonaan danaha dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Maalmaha soo aocda waxaa la filayaa in Baarlamaanka lagu soo daro 6 mudane oo haatan u maqan murrano hareeyay beelohooda, iyadoo looga fadhiyo in Odayaasha dhaqanka ay soo gudbiyaan, maadaama ay haatan soo xulistooda ku howlan yihiin.

Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa waxay Jimcihii soo bandhigeen liis ay ku qoran yihiin magacyada saddex iyo sideetan xubnood oo ka mid ah sagaalka iyo sideetanka xubnood ee Baarlamaanka Galmudug uu ka kooban yahay.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.