Xaaf oo war ka soo saaray liiska xildhibaanada la shaaciyey ee Galmudug

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa war ka soo saaray liiska xildhibaanada Galmudg ee shalay looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo gaaraya 63 xildhibaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cidii soo saartay liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug, isagoo ku tilmaamay been abuur.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug taladeeda ay leeyihiin madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, balse aysan lahayn sida uu sheegay odayaal been abuur ah, xukuumadda iyo xildhibaano uu ku tilmaamay kuwo danley ah.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta reer Galmudg ay u istaagaan xaaladda ka taagan dhismaha maamulkooda.

Halkan hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhamaystiran

1 8
1 8

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.