Musharaxii kursiga ku waayey sawir uu la galay Xildhibaan FIQI

0

Iyadoo galinkii dambe ee maanta la dhaariyey inta badan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug, oo shalay la shaaciyey liiskooda ayaa waxaa isisoo taraya cabashooyin dhan walba leh oo laga qabo qaabkii loo soo xulay xubnahaas oo gaaraya 83 xildhibaan.

Ibraahim Xasan Cawaale waxa uu ka mid yahay musharaxiintii u tartaamayey kuraasta degmada Ceel-buur ka soo galaya baarlamaanka Galmudug, balse afar maalmood ka hor inta aan la guda galin soo xulidda kuraasta degmadaas ayaa lagu war geliyey in uu yahay nin lagu helay wax uu ku tilmaamay ‘Aayatul munaafaq’.

Ibraahim ayaa sheegay inay la soo xariireen xubno ka hoos shaqeeya Ra’iisul wasaare Kheyre, isla markaana ay ku war geliyeen inuusan u tartami karin kuraasta degmada Ceel-buur oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo xaqna uu u lahaa inuu ku metelo baarlamaanka Galmudug sida uu sheegay.

Sababta Ibraahim looga hor istaagay inuu u tartamo kursta deegaankiisa waxuu sheegay inay tahay sawir uu sanadkii hore la galay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka, mucaaradna ku ah xukuumadda hada talisa oo iyadu gar wadeen ka ah arimaha doorashooyinka Galmudug.

Musharaxa is hor taaga lagu sameeyey ee Ibraahim Xasan Cawaale waxa uu sheegay in Fiqi uusan u laheyn aqoon gooni ah, balse xilliga uu sawirkaas la galay ay ku kulmeen Hotel kuyaalla Muqdisho oo lagu soo bandhigayey Book uu qoray Cabdicasiis Xildhibaan.

Ibraahim
Ibraahim

Sidoo kale Ibraahim bartiisa Facebook ayuu ku soo daabacay qoraal dheer oo uu uga hadlayey arintaas, waxuuna sheegay in Booga lasoo bandhigayey xilligaas looga hadlayey waayaha Xildhibaan Cabdullahi Gaafow oo uu sheegay inuu taageero weyn u hayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka musharax Ibraahim uu soo qoray

“Sawirkii Loo Fasirtay Sida Khaldan ee iga Saaray Safka Xildhibaanada”

Intii Aan kujiray Ololaha Xildhibaanimo ee GALMUDUG, Waxaa Dhowr Jeer Laygu Xantay in Aan ahay Mucaarad, Waxa Kaliya ee Loo Cuskanayana Waa Sawirkaas Aan Lagalay Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi,

Anniga iyo Xildhibaan Fiqi Majirto Aqoon Rasmi ah oo Naga Dhaxayso, Maalinta Aan Wada galnay Sawirkaan Waxay ahayd horaantii Sanadkii Tagay ee 2019, Waqti Aan kuwada kulanay Hotel Dayah Galab Lagu Qabanayay Xaflad Lagusoo bandhigayay buuk uu Qoray Cabdi Casiis Xildhibaan, Kaasoo Ka Sheekaynayay Taariiq Nololeedka Xildhibaan Gaafoow,

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi Galabtaas Waxa uu Tagay hotel Ay Ubadan Yihiin Taageerayaasha Ra’isul Wasaare khayre, Waxa uu kaqayb galay Xaflad Loo Qabanayay Xildhibaan Taagero Wayn u ah RA’ISUL wasaare khayre, Taasi Waxay kuu Cadaynaysaa inuu Yahay Nin Ay u kala Soocan tahay Ismaanshaafka Siyaasadeed & iskaashiga bulsho,

Taas Caksigeed Qolooyinkii u Qaabilsanaa Xukuumadda Xulista Xildhibaanada Waxay Kala Saari Waayeen Qofka Qaba Fikirka Mucaaradka iyo Sawir Lala galo Qof Mucaarad ah, Waxaa Laygu Tixgalin Waayay Xaqa aan u leeyahay in aan Tartamo, Waxaa Laygu Tixgalin Waayay in Aan Ahay Ruux Jecel Dowlad Wanaaga, Waxaa Laygu Tilmaamay Nin Laga helay Aayatul Munaafaq, Taasoo ah Sawirka aan la galay Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi,

Si kastaba Waxaan u rajayhaa Xildhibaanada Cusub ee Galmudug Guul, Waxaana Kula Talinayaa Madaxda Xukuumada in Ay IL Gaar ah u yeeshaan dadka Ay u Wakiilanayaan Xiriirka iyaga iyo bulshada,

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.