Maxay odayaashii ka baxay Baydhabo ee tegay Iidaale kala hadleen Al-Shabaab?

0

Qaar ka mid ah ganacsatada deegaan ahaan ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmooyinka Diinsoor, Qansax-Dheere, Waajid iyo Xudur ayaa shalay deegaanka Iidaale kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab waxayna kala hadleen sidii go’doonka looga qaadi lahaa deegaanadaas.

Al-Shabaab ayaa ganacsatada ka dalbaday lacag dhan 300,000 oo kun (Sedax boqool kun oo dollar), si ay go’doonka uga qaadaan.

Ganacsatadaan ayaa inta aysan aadin Al-shabaab waxay la kulmeen xubna ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo u sheegay inay u tagayaan Al-Shabaab, isla markaana kala hadlayaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa deeganada maamulkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno aritaas waxay sheegayaan in ganacsadii la kulantay Al-Shabaab ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo markii hore ay ka amba-baxeen, mana jirto wax ay isla soo meel dhigeen iyaga iyo Al-Shabaab, sida aan xogta ku heleyno.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.