Maraykanka oo Lamu u diray saraakiil baarta weerarkii Al-shabaab

0

Maraykanka ayaa baaraya weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga military-ga Manda Bay kaasi oo ay ku dhinteen sedax askari oo Maraykan ah waxaana loo soo diray saraakiil sare in ay xaaladda qiimeeyaan.

Weerarkii Axaddii lasoo dhaafay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo sargaal oo ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka.

Saraakiisha baaritaanka samayneysa waxaa soo diray Taliska Maraykanka ee qaaradda Africa oo masuul ka ah dhamaan ciidanka Maraykanka ee jooga qaaradda.

“Waxan deg-deg ugu diray xubno taliskeyga ka tirsan si ay ciidankeena iyo taliyeyaasha saldhigga jooga uga soo dhageystaan faahfaahinta weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab” ayuu yiri Taliyaha Africom Gen Stephen Townsend.

Kooxda loo diray baaritaanka waxaa ka mid ah Major General Michael Turello oo ah taliyaha howgaladda dibadda ee geeska Africa, Taliyaha guutada ciidanka cirka General Leonard Kosinski iyo saraakiil kale oo baaritaanka qayb ka ah.

Markii ay Al-shabaab weerareen Saldhigga ay deganyihiin military-ga Maraykanka iyo Kenya ee Manda Bay waxaa halkaasi la geeyay ciidanka kale oo ka tirsan Africom kuwaas tiradoodu u dhaxayso 50 illaa 100 askari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.