Iran oo qiratay inay soo riday diyaaradii Ukrain

0

Dowladda Iran ayaa qiratay in ay ka danbeesay soo dhicistii diyaaradii dalka Ukrain taas oo ku burburtay meel udhaw caasimada dalkaasi ee Tehran gaar ahaan garoonka caalamiga ah ee Imaam Khumeeni.

War saxaafadeed laga baahiyay Tv’ga qaranka ee dalkaasi ayaa laga sheegay in diyaaradaasi loo soo riday si aanan ula kac aheen taas oo ay ku dhinteen 176 ruux oo ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada.

Iran waxa ay ku tilmaamtay dhacdadaasi in ay ahayd qalad bini’aadannimo oo ka dhacay milatarigooda balse la’iskala xisaabtami doono.

Tv’aga qaranka Iran ee Press TV oo soo xiganayo taliyaha ciidamada xooga ee dalkaa Iran ayaa sheegay in diyaaradu ay ku duuleesay meel xaasi ah oo u dhaw xarunta milatariga.

Dowladda Iran ayaa maalmihii lasoo dhaafay dafireesay in mid kamid ah gantaaladeeda uu ku dhacay diyaraada balse xogo sirdoon oo ay heleen dowladaha Mareykanka iyo Canada ayaa muujiyay in Iran ay soo riday diyaaradaasi.

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 737 ayaa xiligii ay soo dhaceesay kusoo beegantay waqtigii ciidamada dowladda Iran ay duqeenayeen xarumaha milatariga Mareykanka ay ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale qirashada dowladda Iran ayaa kusoo beegmaysa xilli uu cadaadis xoogan uu ka heesto dhigeeda Mareykanka oo xiisada kala dhaxeeso ay cirka isku sii shareereeso.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.