Boqor cusub oo looga dhawaaqay dalka Cuman

0

Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeero ahaayeen Boqorkii Cuman ayaa loo dhaariyay in uu badalo Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Haitham bin Tariq ayaa horey u ahaa wasiirka hiddaha iyo dhaqanka ayaa xilka loo dhaariyay ka dib markii ay kulan yeesheen golaha qoyska boqortooyada.

Suldaanka ayaa ah qofka gaara go’aanada kama dambeysta ah ee boqortooyada Cuman.

Waxa uu boqorka Cumaan sidoo kale isku hayaa jagada ra’isul wasaaraha, abaanduulaha ciidamada qalabka side, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa isagu geeriyooday xalay, isaga oo ay da’diisu ahayd 79 jir.

“Anaga oo aad uga xun ayaa waxay boqortooyada u murugoonaysaa geerida boqor Sultan Qaboos bin Sacad, oo Jimcihii geeriyooday ,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay boqortooyada Cumaan.

Bishii aanu soo dhaafnay ayuu dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu howlo caafimaad u aaday dalka Biljim.

Ma cadda ilaa iyo imika xanuunka uu u geeriyooday Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

Intii uu xilka hayay ayaa waxaa uu dalkaasi gaaray hormar ballaaran, balse dadka ay siyaasadda isaga soo horjeedeen ayaa la aamusiyay oo cadaadis la kulmay.

Saddex maalmood oo barooq-diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalkaasi Cumaan.

Boqor Qaboos ayaa afgembi aan dhiig ku daadan xukunka uga tuuray aabihii isaga oo taageero ka helayay Britain sanaddii 1970.

Isaga oo isticmaalaya shidaalka uu dalka Cumaan hodonka ku yahay waxaa uu dalkaasi cagaha saaray dhabadii hormarka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.