Madaxweyne Dani oo DF u soo jeediyey talo ku aadan dhismaha Galmudug

0

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay joojiso fara-gelinta qaawan oo uu sheegay inay ku hayso dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

Saciid Cabdullaahi Dani oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC-da ayaa sheegay in reer Galmudug ay dhameysan karaan arrimahooda gaarka ah, iyaguna ay hada dalbanayaan in dowladdu fara-gelinta ka deyso.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka war wareegay su’aal ahayd inay iska warqabaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.

“Sida aanaan anaguba u jecleyn in aan faraha lala-gelin arrimaheena hoose ayay Puntland iyaduna u ixtiraamaysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dani.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waana shay dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhameystaan.”

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qayb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Somaliya xudun u ah, intaas iyo ka badan ayay ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in hawlaha Galmudug loo daayo dadka reer Galmudug.”

Tallaabada uu Xaaf horaantii bishan uga soo horjeestay dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug ayaa xoojisay khilaafka raggaadiyay doorashada maamulka cusub ee Galmudug.

Doorashada lagu wado inay ka qabsoomto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf marba weji yeelanaya, mana cadda marka uu soo afjarmi doono.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.