Maxuu daaranyahay safarka Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu safar deg deg ah berri ku aado magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa casuumay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki, sida ay wararku sheegayaan waxaana la filayaa in Farmaajo uu subaxa hore ee berrito uu gaaro magaalada Asmara ee xarunta wadankaas.

Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadli doonaa xiriirka labada dal, isbahaysiga ay wada dhisteen Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ee geeska Afrika iyo arirmo kale oo ku saabsan xaaladda gobolka.

Booqashadan ayaa imaneysa xilli xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladaha Eritrea iyo tan Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay 28-kii November sanadkii 2018-kii waxay ku eedeysay dowladda Qatar in dalkeeda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah.

“Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yiri qoraalka.

Hase yeeshee dowladda Qatar ayaa iska diiday ‘eedeymahaas’ waxayna sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn dhinac ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea ‘si buuxda uga war-hayso’.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.