Qarax xoog leh oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska Sayidka oo bar koontorol ay ku leeyihiin ciidamada koofiya casta ee ilaalida madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa, walow aan si rasmi ah loo ogeyn.

Qaraxa kadib dab ayaa ka dhashay goobta uu ka dhacay oo u dhaweed kaalin shidaal halkaas oo uu dab qabsaday, gaadiidka gurmad deg dega ah ee dab-demiska iyo ambalaas ayaa gaaray goobta, kuwaas oo ku howlan u gurmashada dadka ku waxyeeloobey iyo deminta dabka qabsaday kaalinka shidaal.

Ciidamada amaanka ayaa buux dhaadfiyey goobta waxaana loo diidayaa dadka, waxaana haatan kacsan xaaladda aagga uu qaraxu kla dhacay.

Wixii ka soo kordha kala soco halkan:

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.