Aabe iyo caruur uu dhalay oo ku gubtey guri ku yaalla M/Baydhabo

0

Dab xalay qabsaday guri ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sababay dhimashada inta badan qoyskii ku noolaa gurigaas oo ku yaaley xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baydhabo.

Dabka ayaa ka dhashay haan Nafto oo qaraxday, iyadoo dabkii ka dhashay uu ku faafay guud ahaanba gurigii uu deganaa reerku. Waxaana halkaas ku geeriyooday Aabihii reerka iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

Aabaha reerka uu dabkaasi qabsaday gurigooda oo isagu ku dhintay ayaa lagu magacaabi Jirey Sheekh Cumar, waxaana dabkaas kula dhintay labo carruur ah oo uu dhaley, iyadoo reerkii gurigaas deganaa ay ka badbaaday Hooyadi oo kaliya.

Sheekh Cumar oo ahaa Aabaha reerka uu gurigu ku gubtey ayaa sanadkan ka qalin  jebiyey Jaamacad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Aabaha
Aabaha

Hooyada reerka ayaa xilliga uu guriga dabku qabsaday ka maqneyd, waxaana la dhigay isbitaal, kadib markii ay shooktay, waxayna aheyd xaamilo.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.