Duqeyn lagu dilay xubno Shabaab ah iyo kuwo kale oo nolosha lagu qabtay

0

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen xarumo ay Ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo Ku yaala gobolada Jubbooyinka.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya kuwaas oo duqeymo ka fulinaya deegaanada ka tirsan Jubbooyinka

Duqeymaha ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka caga libaax oo dhamaantooda ka tirsan gobalada Jubbooyinka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab lagu dilay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo Cagalibaax, halka 4 xubnoodna nolashada lagu qabtay.

Ma jiraan xog intaasi ka dheer oo laga helay duqeymaha ka dhacay degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka Caga-libaax.

Mudooyinkii dambe diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fulinayeen saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka ee joonfurta Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.