QM oo cadeymo ka dalbatay Mareykanka iyo gantaallo lagu gaarac safaaradiisa Baqdad

0

Qaramada Midoobay ayaa dhaleeceysay weerarkii cirka ee Mareykanka ku dilay Qassim Soleimani oo ahaa sarkaal reer Iran ah, waxayna caddeysay in uu jabinayo sharciga xuquuqda aadanaha.

“Dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Qasem Soleiman iyo Abu Mahdi Al-Muhandis waxay u badan tahay inay yihiin sharci darro isla markaana waxay ku xadgudbayaan sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah” ayey Agnès Callamar barteeda Twitter-ka ku soo qortay.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dilalka ka baxsan sharciga Agnès Callamar, ayaa tilmaantay in dilkaas u jeedkiisu uu ahaa dabar-goynta qorshayaasha mustaqbalka ee Iran.

Khabiirka xuquuqda Aadanaha ee Faransiiska Agnès ayaa sidoo kale dhaleeceysay bayaanka Pentagon ee ku saabsan duqeynta.

Waxay intaas raacisay in Mareykanka looga baahnaan doono inuu caddeeyo qofka uu bartilmaameedsaday inuu yahay  khatar ku soo food leheed,  sida uu kolkii horeba ku andacooday.

Halkan ka soo yeeray masuulka ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku soo aadayaa iyadoo fiidkii hore ee xalay gantaallo lagu dhuftay banaanka safaaradda Mareykanka ee Ciraq, kuwaas oo la aamin-sanyahay inay soo riday Iran ama xoogag taageersan, weli lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.