Mareykanka oo ku goodiyey inuu weerarayo in ka badan 50 xarumood oo ay leedahay Iran.

0

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Mareykanku uu sida ugu dhaqsiyaha badan u bartil maamaydsan doono illaa 52 xarumood oo ay Iran leedahay, haddii Tehran ay iksu daydo in ay weerarto dadka Mareykanka ah iyo hantidooda.

Hadalkiisa ayaa daba socda shirqool uu Mareykanku ku dilay General Qaasim Suleemaani, oo ahaa madaxii ugu sareeyay ciidaamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran gaar ahaan guutada Qudus.

Iran ayaa ku hanjabtay in ay aargoosan doonto. Waxaa jiray weeraro gantaalo ah oo lagu qaaday saafarada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Mr Trump ayaa bartiisa twiterka kusoo qoray “Iran waxa ay qaaday talaabooyin ay ku bartilmaamayd sanayaan hantida Mareykanka iyagoo jawaab kaga dhigaya dilkii loo gaystay Jenaraalka”

Dhanka kale magaalada Washington ee caasimada dalka Mareyknaka ayaa waxaa isku soo baxay boqolaal ruux oo kasoo horjeeda dagaal dhex mara dowladaha Maraykanka iyo Iran.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.