Madaxweyne Waare oo kulan isugu yeeray saraakiisha AMISOM ee G/Hiiraan

0

Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magalada Beledweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha howlgalka midowga Afrika ee AMISOM kuwooda ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Waare kulanka uu la qaatay saraakiisha waxaa ku wehliyey xubno ka tirsan goleyaasha maamulkiisa iyo xubno ka socday maamul gobolka Hiiraan.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray arimaha amaanka ee guud ahaan Hir-Shabeelle iyo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa wadooyinka isku xira magaalooyinka maamulkaas, waxaana xusid mudan in Waare uu horay ugu dhawaaqay inay qaadayaan howlgal wado furis ah.

Dhankooda Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa balanqaaday in si hufan ay uga qeyb qaadan doonaan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada gacanta ugu jira Al-Shabaab isla markaana dib la iskugu furi lahaa wadooyinka go’doonsan ee gobolada Hir-Shabeelle, gaar ahaan kan Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.