Baarlamanka Ciraaq oo u codeeyey in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka

0

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa meel mariyay qaraar dalkaasi looga saarayo dhamaan ciidamada shisheeye ee ku sugan.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay gudaha dalkaasi Ciraaq ka geesatay weerar lagu dilay General Qaasim Suleemaani oo ahaa hogaaniyaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, gaar ahaan guutada lagu magacaabo Qudus.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa magaalada Baqdaad uga dhawaaqay inay mamnuuc ka tahay dhamaan ciidamada shisheeye inay adeegsadaan dhulka, hawada iyo biyaha Ciraaq sabab walba oo ay noqotaba.

Go’aankan ayaa si wayn u saameenaya dowladda Mareykanka oo dalkaasi ay uga sugan yihiin ciidamo gaarayo 5,000 oo askari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.