Arsenal oo soo afjareysa arin muran badani ka taagnaa

0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa go’aan ka gaaray laacibka ahaanaya Kabtanka Gunners xili ciyaareedkan, taas oo soo afjartay hadal-hayn maalmahanba ka taagnayd arrintan.

Laacibka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kabtanka Arsenal loo magacaabay markii masuuliyaddan laga qaaday Granit laba bilood ka hor, balse waxa soo baxaya warar sheegaya in isaguna uu luminayo maadaama uu diiddan yahay inuu saxiixo heshiis cusub.

Aubameynag waxa uu ka dhacayaa qandaraaska uu kula jiro Arsenal sannadka 2021 ama 18 bilood kaddib, waxaana uu ka warwareegayaa inuu wada-hadallo heshiis kordhin ah la furo kooxdiisa.

Real Madrid, Barcelona iyo Inter Milan ayaa lala xidhiidhinayaa laacibkan in uu ku biiri doono haddii uu ku adkaysto go’aankiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.