Al-Shabaab oo weerar ka geystay gudaha Kenya

0

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ku wada sugan yihiin ciidamada badda Mareykanka iyo kuwa Kenya, kaasi oo ku yaalla deegaan ka tirsan ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka ‘Manda Bay’ ee ismaamulka Lamu ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in weerarkaas uu khasaare ka dhashay, inkasta oo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dowladda Kenya ayaa weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhig ciidamadooda ee ku sugan deegaan ku yaalla gobolka Lamu, balse  lagu wado in saraakiisha ammaanka Kenya ay ka warbixiyaan dagaalka.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen ismaamulka Laamu ee dalka Kenya, kaas oo ay ku sheegeen inay ciidamo badan uga dileen Kenya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.