Xanuun aan la garan oo dad ku soo ritay deegaan ka tirsan G/Sool

0

Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa u geeriyootay, in ka badan 70 qof oo kalena waa soo ritay, xanuun aan la garaneyn oo ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Caafimaadka ee degaankaas.

Dhakhaatiirta degaanka Saaxdheer oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xanuunka halkaasi ka dillaacay uu wato calaamado dhowr ah oo ay ugu badanyihiin shuban iyo qufac aad u daran, balse aysan ilaa hadda garaneyn waxa uu yahay xanuunkaas.

Mas’uuliyiinta xarumaha caafimaadka ee deegaanka Saaxdheer, ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka oo si xawliya ku faafaya uu soo ritay dad kala duwan oo ku nool Saaxdheer iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan deegaanka.

Madaxda caafimaadka Saaxdheer ayaa codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, iyagoo sheegay inay gabaabsi ka yihiin daawooyinkii iyo adeegyadii caafimaad ee xarumaha ku yaalla deegaanka, isla markaana bukaandu ay si isdaba joog ah usoo gaarayaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.