Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kala diray mid ka mid ah guddiyada Galmudug

0

Ra’iisul Wasaasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan  magaalada Dhuusamareeb ayaa kala diray dhamaan guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulka Galmudug.

Arintan ka dambeysay kadib markii xal laga gaaray tabashooyinka ay qabaan dhamaan beelaha dega deegaanada Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu amar ku bixiyay in guddiga doorashooyinka Galmudug ay ku dhawaaqaan liiska 69 xildhibaan ee ka dhiman baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa horay ugu fashilmay dhowr jadwal doorasho oo ay soo saareen, waxaana Dhuusamareeb maalmihii dambe kulamo ka waday Ra’iisul Wasaaraha Kheyre, kuwaas oo lagu xalinayey dhinacyada tabashada qabay isda Ahlu-Sunna iyo odayaasha dhaqanka.

Shalay ayay aheyd  markii guddiga doorashooyinka Galmudug ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen liiska 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna ay soo xushay.

Guddiga farsamada maamul u dhisidda Galmudug ayaa aqbalay liiska xildhibaanada ugu horeeya ee Galmudug oo ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna Waljamaaca, waxaana haatan tirade guud ee xildhibaanada maamulkaas ka dhiman 69 xubnood ku waas oo dhawaan lagu dhawaaqi doono, sida laga soo xigtay guddiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.