Maxay kala yihiin ajendayaasha kulanka maanta ee golaha shacabka?

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargeliyey inuu maanta jiro kulankoodii caadiga ahaa, kaaso oo ay ku yeelanayaan xaruntooda cusub ee Villa Hargeysa.

Ajendayaasha kulanka maanta ayaa kala ah 1. U codeynta Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada badan, iyo ajendaha labaad oo akhrinta 3aad ee wax ka badelka Sharciga Duulista Rayidka ee Hawada.

Xildhibaanada ayaa  dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay sharciga duulista rayidka ee hawada, kaas oo ay maanta horay u sii wadayaan ka doodistiisa, halka loo balansanyahay inay cod u qaadaan Heshiiska Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.