Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn lagu dilay xubno Shabaab ah
Taliska Militeriga Maraykanka ee qaaradda Afrika magaciisana loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa ka warbixiyay duqeyn uu Jimcihii shalay ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo lala kaashaday ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dilay seddax xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale qoraalka Maraykanka waxaa lagu sheegay inay baaritaan ku samaynayaan haddii ay jiraan dad rayid ah oo khasaare ka soo gaartay duqeynta lala beegsaday Al-shabaab.
Xubnaha ka tirsanaa Shabaab ee lagu dilay duqeyntaas laguma sheegin warbixinta magacyadooda iyo jagooyinka ay ka hayeen Al-Shabaab.
