Golaha Shacabka oo maanta meel mariyey sharci muhiim ah

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay heshiiska damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan, kaas oo ka mid ahaa ajendayaasha maanta la hor geeyey golaha .

Kulanka ayaa waxaa maanta shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa, waxaana soo xaadiray inta badan xildhibanada golaha shacabka.

139 Xildhibaan ayaa ogolaatay in ansixiyo heshiiska damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan, hal xildhiban ayaa diiday, halka labo kalena ay aamuseen, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay heshiiskaas.

Sidoo kale ajendaha labaad ee xildhibaanda golaha shacabka ayaa maanta ahaa sharciga duulista Rayidka ee Hawada oo ay marsiinayaan akhrinta seddxaad.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.