Dalal ay ugu horeyso Kenya oo ka walaacsan saameynta dagaal ka qarxa Bariga Dhexe

0

kadib dilkii sarkaal sare oo ka tirsanaa militeriga Iran Jimcihii loogu gaystay garoonka Dayuuradaha magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, khubaro badan oo ku taqasusay dhinaca amniga ayaa ka digtay wixii ka dambeeyay dilkaas in halis ay wajihi karaan dalalka saliida dhoofiya ee xulufada la ah Maraykanka.

Kenya oo ka mid ah dalalka sida wayn saaxibada ula ah xukuumada Washington ayaa ka mid ah dowladaha baqdinta xooga leh ay soo wajahday dilkaas, iyadoona aqoon yahanno u dhashay dalkaasi ay soo bandhigeen khatarta dalkooda uu wajihi karo.

Hadii wasaarada amniga aysan la imaan istaraatiijiyad wax ku ool ah oo lagu baajin karo dhiig data.

Kenya oo bartamihii sanakdii tegay daah furtay mashruuceeda dhoofinta saliida cayriinka ah ayaa ka mid noqaysa dalal dhibane u noqon kara waji cusub oo dagaal, kaas oo ka dhex qarxa Iiraan iyo Maraykanka.

Wakaaladaha wararka dunida ayaa daabacaya warbixino ku saabsan in kooxaha Maraykanka uu ugu yeero argagixisada ay argoosi kula kici karaan wadamada xulufada la ah Maraykanka , gaar ahaan kuwa dhoofiya shidaalka.

Warbixin uu daabacay wargayska Daily Nation oo uu ka soo xigtay aqoonyahano u dhashay dalka Kenya ayaa sheegeysa in nuuca cusub ee dagaal ee dhex mari doona iran iyo Mareykanka uu saamayn xoogan ku yeelan doono guud ahaabna dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.