Aqalka Sare oo guddi u magacaabay sharciga doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Senetor Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood oo ka shaqeyn doona sharciga doorashooyinka Qaranka oo lagu wado in dhawaan la horgeeyo golaha Aqalka Sare.

Guddiga oo tiradiisu tahay todoba xubnood ayaa dhamaantood ka tirsan senetorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii golaha loo hor keeni lahaa sharciga doorashooyinka.

Horay xildhibanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa u Ansixiyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo qeexaya in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhaco 2020/2021, waxaana hadii uu dhaqan galo sharcigaas xildhibaanada federaalka laga soo doora doono degaan doorashadooda, markaas kadibna ay Madaxweyne soo doora doonaan sida ku dhigan sharcigan.

81658380 713580939049419 2348851132383625216 N 1
81658380 713580939049419 2348851132383625216 N 1

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.