Wiil Soomaali ah oo Aabihiis ku dilay dalka Jarmalka

0

Wiil Soomaali ah ayaa waxaa la sheegayin Aabihiis uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg.

Sida warbaahinta dalka Jarmalka ay baahiyeen, Wiilkan Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa toorey u adeegsaday dilka Aabihiis oo 57 sano jir ahaa.

Wiilka Soomaaliyeed e dilay Aabihiis ayaa lagu magacaabaa Axmed Nuur Faarax Xuseen, halka Aabiha uu dilay lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen, waxaana la sheegay in dilka ka hor uu muran dhexmaray wiilka iyo Aabihiis.

Booliska magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka oo ah halka wiilkaasi uu ku dilay aabihiis ayaa weli wada baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxayna gacanta ku dhigin wiilkii dilka geystay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.