Kenya oo saldhiggeedii ciidamada cirka u soo rartay dhanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Gaarisa ka furay saldhig cusub oo ay yeelanayaan ciidamada cirka ee dalka Kenya.

Saldhiggan ayaa noqon doona midka ugu weyn ee ciidamada cirka dalka Kenya ay leeyihiin, kalkaas oo uu sheegay in laga ilaali doono ammaanka guud ee dalka Kenya.

Xaruntan ayuu sheegay Uhuru inay sidoo kale noqon doonto mid ay isticmaalaan ciidamada kale ee dowladda Kenya, waxayna magaalada Garisa u jirtaa qiyaastii 15KM.

Kenya waxay sheegtay in saldhiggan cusub uu qayb ka qaadan doono la dagaalanka Al-Shabaab oo weeraro badan ka fuliya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ka fuliyey meel aan ka fogeyn halka laga samaynayo saldhigga cusub ee ciidamada cirka Kenya, waxayna halkaas ku gubeen isbitaal ay dowladdu laheyd.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.