Sacuudiga oo war ka soo saaray qaraxii Muqdisho ee Turkigu ku eedeeyey Imaaraadka

0

Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee Sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday isgoyska Ex Control Afgooye ee Muqdisho.

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiiradda boqortooda Sacuudiga ayaa laga soo saaray qoraal lagu cambaareynayo weerarkii loo adeegsaday baabuur weyn oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol ruux intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

“Waxaan ugu horeyn tacsi u direynaa eheladii dadkooda ay ku dhinteen weerarkan argagaxa lahaa.”ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalkan ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Weerarka ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ayaa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab iyadoo afhayeenka Al-Shabaab uu sheegay inay ku dileen saraakiil u dhashay dalka Turkiga, ciidan iyo shaqaale ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, waxayna qirteen in dad rayid ah ay ku laayeen, kuwaas oo ay ku sheegeen 23 ruux, halka inta kale ee dhimatay ay ku tilmaameen bartilmaameedkoodii.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.