Wararkii ugu danbeeyey kulamo RW Kheyre uu ka bilaabay Dhuusamareeb

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa uu kulamo ka bilaabay  magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu kulamo la qaadan doono guddiga farsamada iyo dhismaha maamulka Galmudug, hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, waxgaradka  iyo qeybaha kala duwan bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Kheyre ayaa waxaa uu kala hadli doonaa dhinacyada uu kulamada la qaadanayo, sidoo loo  bilaabi lahaa soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug iyo sida ugu haboon ee loo sii amba qaadi karo howlaha doorasho ee maamulka Galmudug,

Sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayuu hadda kulan uga socdaa xarunta guriga gobolka ee magaalada Dhuusamareeb oo uu deganyahay Kheyre, mana jirto cid ku wehlisa laba masuul kulankaas sida ay noo xaqiijiyeen ilo aad ugu dhaw.

Caqabado dhowr ayaa horyaalla soo xulidda Baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana markii labaad dhaqan gali waayey jadwallo uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, waxaana howsha dhismaha maamulka oo ka bilaabanaysay soo xulidda baarlamaanka haatan laga hayaa oo kaliya 20-kii xildhibaan oo ay soo xushay Ahlu-Sunna, kuwaas oo aan wali la isla ogolaan.

Is qab qabsi  xoog leh ayaa  ka dhex-jira  beelaha qaar oo ku saabsan  xulista xildhibaannada,waxaana jira beelaha qaar oo ku doodaya  in xubnihii ay ku lahaayeen baarlamaanka Galmudug laga siiyey Ahlu-Sunna WalJamaaca.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa magaalada Dhuusamareeb u yimid sidii uu xalin lahaa   tabashooyinka ka dhashay soo xulista baarlamaanka Galmudug iyo dib u dhaca doorashada maamulka, waxaana lagu wadaa markii xal laga gaaro tabashooyinkaas in la guda galo doorashada maamulka oo ka dhici doonta magaalada Dhuusamareeb.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.