Labada Gole ee BF oo wadajir u meel mariyey miisaaniyadda sanadka ay saacaduhu naga xigaan

0

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta si wadajir ah u ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka, taasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen.

Kulanka oo ay shir guddoominayeen guddonada labada Aqal ayaa waxaa in miisaaniyadu ansax tahay u codeeyey 188 mudane, hal xildhibaan ayaa diiday, halka ay labo xildhibaan oo kalena ka aamuseen.

Miisaaniyadda sanadka ay saacaduhu naga xigaan ee 2020-ka ayaa waxaa kulanka wadajirka ah ee labada gole hor geeyey, Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka ay ansax-tahay, isgoo u mahadceliyey xildhibaanada iyo senetorrda labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.