Duqeyn culus oo ka dhacday deegaan ka tirsan G/Bari
Wararka ka imaanaya buuraleyda calmadow, gaar ahaan deegaanka Gal-gala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay duqeymo ka geysteen diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay.
Duqeynta ayaa waxaa ka dhacay agagaarka deegaanka Madarshaan, iyadoona lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Duqaynta ayaa timid kadib markii shalay qarax uu ka dhacay waddada xiriirisa Galgala iyo Boosaaso, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland, waxaana ku dhaawacmay laba askari.
Deegaanka Madarshaan ee gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale waxaa la sheegay in dhulka miyiga ah ee u dhaw deegaankaas ay ku dhuumaaleystaan dagaalamayaal kale oo ka tirsan Daacish.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, kaasi oo ay ku faahfaahinayaan duqeynta ka dhacday gobolka Bari.