Wargeys Turkish ah oo sheegay in Imaaradka ay ‘fuliyeen’ qaraxii Ex-kontorool ee Muqdisho

0

Wargaysyada dalka Turkiga kasoo baxa ayaa daabacay in xogo ay heleen ay muujinayaan in qaraxii dadka badan dhibaatadu kasoo gaartay ee 28 bishaan ka dhacay ex kontorool Afgooye ay ka dambeyso dawlada Imaaraatka Carabta oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda hawlaha ay dawlada Turkigu ka wadaan Soomaaliya iyo dalal kale.

Wargeyska YeniSafak ayaa sheegay in xog uu helay ay sheegayso in dhaxal sugaha dalka Imaaraatka Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu lahaa amarka qaraxii Sabtigii Muqdisho ka dhacay ee in ka badan 100 ruux ku naf waysay waxaana wargeysku sheegay in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa shaqaale Turki ah oo wado laami ah dhisayay.

Wargeysku waxaa uu sheegay in qaraxaas lagu soo beegay isla maalintii dawlada Turkiga ay isku diyaarinaysay taageero ciidan oo la siiyo dawlada caalamku aqoonsanyahay ee Libya.

Xogtaan waxay sheegayaan in Amiir Max’ed Bin Sayid Al-Nahyan uu baxshay amarka qaraxii xooga weynaa kaasoo willi aad loo dareemayo saameynta uu reebay.

Wargeyska waxaa uu sheegayaa in cadaymaha uu hayo ay ka mid yihiin baaritaano la sameeyay iyo xiriiro kaleba lagu ogaaday in qaban qaabada qaraxaas ay dawlada Imaaraatku lahay si gaar ah dhaxal sugaha.

Ujeedka qaraxaas  waxaa lagu sheegay in la qalqal galiyo hawlaha taageero ee dawlada Turkigu ka wado dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Libya.

Dhawr qarax oo ka dhacay dalalka Soomaaliya, Libya, Ciraaq iyo Syria ayaa sidaan oo kale horey loo ogaaday in dawlada Imaaraatku ka dambeysay.

Warbixinta lagu daabacay wargeyska aanu xiganayno ee YeniSafak ee Turkiga kasoo baxa waxaa lagu sheegay in dawlado ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraatk iyo Masar ay xoog badan galinayaan sidii ay joogsan lahaayeen cawimaada Turkiga ee Soomaaliya ama xataa ugu yaraan uu go’o xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

Dawladaha Khaliijka qaarkood ayaa taageera sargaalka dagaalka kula jira dawlada la aqoonsanyahay ee Libya ee Khaliifa Xaftar halka dawlada Turkiga taageerayso dawlada caalamku aqoonsanyahay.

Turkigu waxaa uu aaminsanyahay in dawladaha Sacuudiga, Imaaraatka iyo Masar ay dadaal badan ku bixinayaan inay kala jaraan Soomaaliya iyo Turkiga ayagoo aragagixiso adeegsanayaa sidoo kalena ay doonayaan inay sidoo kale jaraan xiriirka Turkiga kala dhaxeeya dalalka Sudan iyo Libya.

Qoraal lagu baahiyey barta Twtter-ka ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu shaaciyey in qaraxii ka dhacay Ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal NISA oo koobnaa ayaa lagu yiri, “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.